imco, 25-ka Sebtembar 2026, Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Maamulka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa Hotel Java ku qabatay kulan qado, wada-tashi iyo soo-dhaweynta semester-ka cusub, kaas oo ay ka soo qaybgaleen Maamulka Kulliyadda iyo Barayaasha.
Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Rector Ku-xigeenka Tacliinta ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Abdirisak Xaashi. Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay arrimo muhiim u ah horumarinta Kulliyadda, oo ay ka mid ahaayeen Yoolka JUS 2030, dib-u-eegista manhajka Kulliyadda, warbixinnada waaxyaha, habraaca imtixaanaadka, tayeynta tacliinta, iyo xoojinta wada-shaqeynta Maamulka iyo Barayaasha.
Kulanku wuxuu sidoo kale fursad wanaagsan u ahaa Maamulka iyo Barayaasha inay wadaagaan fikrado, talooyin iyo aragtiyo wax-ku-ool ah oo ku saabsan sidii loo sii horumarin lahaa howlaha Kulliyadda, loona sare u qaadi lahaa tayada waxbarashada iyo adeegyada tacliimeed.
Ugu dambayn, Maamulka Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Maamulka wuxuu mahad iyo qadarin u jeedinayaa Rector Ku-xigeenka Tacliinta, Maamulka Jaamacadda iyo dhammaan Barayaasha ka soo qaybgalay kulanka, isaga oo uga mahadcelinaya kaalintooda, talooyinkooda iyo dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan horumarinta Kulliyadda iyo Jaamacadda.
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS)
Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Maamulka

