Mogdishu,somali
October 04-2024
Kuliyadda Dhaqaalaha iyo Maamulka ee Jamacadda Umadda Soomaaliyeed
waxa ay soo qaban qaabisay kulanki sanadlaha ahaa oo ay isugu yimaadeen
dhamaan barayaasha iyo howl wadeenada kuliyadda,
waxaana shir guddoomiyay
siihayaha Hormuudka kuliyadda Dhaqaalaha iyo Maamulka Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed Mudane Xasan cumar sabriye.
Kulankaas waxaa diiradda lagu saaray qodobo ay kamid yihiin
warbixinta waxyaabaha u qabsoomay kulliyadda,
Soo dhaweynta macallimiinta ku cusub sanadkan iyo dhissida Guddiyo lagu hormarinaayo adeega Waxbarashada.
Waxaa warbixino laga dhageystay masuuliyiinta kasoo qeybgashay kulanka ayagoo
soo jeediyay in la joogteeyo kulumada noocaan oo kala ah.
Ugu dambeen siihayaha kulliyadda mudane Xasan cumar sabriye ayaa kula dardaarmay barayaasha iyo howlwadeenada in ay masuuliyad gaar ah ay iska saaraan shaqada iyo horumarinta adeega Waxbarashada.

